Isku hor imaad ku dhexmaray Garowe Ciidamada Puntland iyo PSF oo sabbay dhimasho iyo dhaawac

Ciidanka Booliska Puntland oo war rasmi ah ka soo saaray is-rasaasayn ka dhacday kantaroolka Bari ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in lagu soo furtay gaari sifo sharci darro ah sida hadalka loo dhigay laga dhacay maamulka, waxaana ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeedka Booliiska Puntland ayaa lagu yiri “ Waxaa maanta howlgal qorsheysan lagu soo qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud “kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaa oo horay loo oran jiray PSF”

Sidoo kale, bayaanka Ciidamada ayaa lagu sheegay in gaari la qabtay oo uu la socday mid kale ay raasaas ku fureen Kontoroolka, ka dib markii ay isku dayeen ciidamada amnigu inay joojiyaan, iyada oo xiliga la qabtay la doonayey in laga iibiyo sida la carrababay suuqa Gaalkacyo.

“Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac” ayaa lagu yiri warka.

Ciidanka Booliska Puntland, ayaa sidoo kale, sheegtay in gacanta ay ku dhigeen labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku la socday.

“Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga” ayaa la sii raaciyey, iyada oo la tilmaamay in Marka baaritaanku uu dhammaado, dadweynaha la soo bandhigi doono faahfaahinta dhabta ah ee kiiskan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed