Degmada Dhas ee bariga gobolka Boorana ayaa martigelisay dagaal culus oo u dhexeeyay bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada ee wada dega xadka labada gobol ee Itoobiya. Dagaalkan ayaa ka dhashay muran xooggan oo ku saabsan dhul daaqsimeed, iyadoo labada dhinacba ay midba midka kale ku eedeeyeen in uu xadka uga gudbay si sharci darro ah.
Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan. Ugu yaraan toddobo qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen, halka sidoo kale la sheegay in Oromadu ay waayeen lix qof — afar ka mid ahna ay carruur ahaayeen. Intaa waxaa dheer, waxaa la dhacay xoolo badan iyo tuulooyin la gubay.
Sida laga soo xigtay saraakiisha labada dhinac, dagaalka ayaa markii hore ka bilowday degmada Wacile kadibna ku fiday degmada Dhas. Dilka wiil 12 jir ah iyo saddex gabdhood oo xoolo daajinayay ayaa dabka ku sii huriyay colaada, taas oo keentay barakac ballaaran oo ka dhacay tuulooyinka xadka ku yaal.
Waxaa socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo maamulka labada dhinac, iyagoo shirar ka furay magaalada Mooyaale si loo xalliyo khilaafkaas, Hase yeeshee, weli xaaladdu way kacsan tahay, iyadoo laga cabsi qabo in colaaddu mar kale qaraxdo haddii xal waara laga gaarin muranka dhuleed ee soo noqnoqday.
HBN ONLINE TV