Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka socda agagaarka isgooska Tarabuun ee magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo bilowday aroortii hore ee saaka ayaa wuxuu u dhaxeyaa ciidamada amaanka caasimada iyo ciidamo iyo dad hubaysan oo diidan in ay ka guuraan xerada Horseed oo ah xaruntii kooxda kubada cagta ciidanka milatariga xiligii dowladii dhexe.
Hubka la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa goobo ka fog aaga uu dagaalku ka socdo, waxaana adag in la helo faahfaahin buuxda oo la xiriirta khasaaraha dagaalku dhaliyay. Warar soo baxaya aayaa sheegay in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamaya.
Goobta lagu dagaalamayo ayaa waxay ku dhwdahay isgooska mashquulka badan ee Tarabuunka, dhinaca kalana waxay dhabarka ku haysaa xaafada caanka ah ee African Village.
Isha ku haay HBN ONLINE TV