Waxaa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay isbahaysi siyaasadeed oo cusub oo lagu magacaabo Midowga Haybad Qaran, kaasi oo ay ku mideysan yihiin siyaasiin caan ah oo hore xilal sare u soo qabtay dalka.
Isbahaysigan cusub ayaa la sheegay inuu ka dhashay kulammo taxane ah oo ay yeesheen madax iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed, waxaana lagu sheegay in uu yahay madal cusub oo lagu mideynayo sida hadalka loo dhigay aragti siyaasadeed oo lagu ilaalinayo midnimada dalka, lagu horumarinayo isla xisaabtanka, isla markaana lagu dhiirrigelinayo tartan siyaasadeed oo furan.
Hoggaamiyeyaasha isbahaysigan waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kaas oo lagu taageeray inuu noqdo musharraxa madaxweynaha ee isbahaysiga.
Sidoo kale waxaa xubno muhiim ah ka ah Fahad Yaasiin, Cabdirisaaq Khaliif, Dr. Maxamed Abukar Islow (Ducaale) iyo ergayga dowladda Soomaaliya iyo Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Isbahaysiga Midowga Haybad Qaran ayaa lagu tilmaamay inuu yahay urur siyaasadeed ujeeddadiisu tahay “ilaalinta haybadda iyo midnimada qaranka, iyo in la dhiso hannaan cusub oo hufan oo siyaasadeed.”
Waxaa lagu wadaa in shirka aasaasiga ah ee isbahaysigan lagu qabto magaalada Muqdisho toddobaadyada soo socda, halkaas oo lagu dhisi doono hoggaan rasmi ah iyo qorshaha siyaasadeed ee ururka.
Xubnuhu ma aanay sheegin in ay ka qeyb noqon doonaan doorashada ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya ee qof iyo codka ah.
HBN ONLINE TV

