Is-mariwaaga DFS iyo Puntland oo heer kale u gudbay

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga jawaabay warqad digniin ah oo dhawaan ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya kuna wajahneyd tallaabadii ay Puntland ku qabteen Markabka lagu magacaabo SEA WORLD, kaas oo la sheegay inuu watay shixnad hub ah, una soo jeeday Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Qorsheynta Puntland ayaa qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada ayaa waxaa uu ku sheegay in Puntland aysan gacanta ku hayn wax aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana markabku uusan sidin raashin, balse uu watay hub culus oo sida uu hadalka u dhigay halis ku ahaa ammaanka guud ee Soomaaliya.

“Markabka Puntland qabatay bariis iyo baasto shacab leeyahay ma wadin ee hub halis ku ah amniga ummadda Soomaaliyeed ayuu waday, welina baaritaan ayaa ku socda. Puntland argagaxisada iyo kuwa hubka ka iibiya isku si ayay ula dagaalami” ayuu yiri wasiirka.

Puntland waxay sheegtay in baaritaanadu wali socdaan, islamarkaana ay jiraan calaamado muujinaya in hubka markabka siday uusan ahayn mid loo waday qeyb dowladeed oo rasmi ah, taasoo sii xoojisay shakiga ay qabaan laamaha amniga Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu sheegtay Puntland in aysan wax sharci ah u lahayn in ay si gaar ah u qabato una baarto maraakiibta caalamiga ah, taasoo ay ku tilmaantay mid wiiqeysa wadajirka hay’adaha amniga qaranka.

Khilaafka u dhaxeeya labada dhinac ayaa cirka isku sii shareeraya iyadoo arrinta Markabka SEA WORLD ay u muuqato mid noqon karta xaalad imtixaan u ah xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe, xilli dalka uu wajahayo caqabado amni iyo siyaasadeed oo isa soo taraya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed