Iran ayaa ku guulaysatay in hawada sare ay u dirto dayax gacmeedka Chamran-1 kaasi lagu farsameeyay gudaha dalkaasi, waxaana lagu tilmaamay tilaabo kale oo horumar cajiib ah oo dhanka barnaamijka hawada sare ee dalkaasi ah, waxaana loo adeegsan doonaa arrimaha cilmibaarista.
Subaxnimadii hore ee maanta oo Sabtida ah, dayax gacmeedka ayaa hawada loo diray isagoo dulsaarnaa gaariga dayax gacmeedka u xambaara hawada sare ee Qaem-100 (SLV), waxaana farsamaysay waaxda cirbixiyeennada Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ee magacooda loo soo gaabiyo (IRGC).
Dhowr saacadood markii hawada loo diray, dayax-gacmeedka cilmi-baarista Iran ayaa durbadiiba soo diray calaamadihii ugu horreeyay ee hawsha loo sameeyay.
In kasta oo Iiraan ay cunaqabatayn ku soo rogeen dalalka reer galbeedka sannadihii la soo dhaafay, haddana dalkaasi wuxuu horumar weyn ka sameeyay barnaamijka hawada sare ee rayidka ah.
Dalka Iiraan ayaa ka mid ah 10-ka waddan ee adduunka ugu sarreeya ee awood u leh inay horumariyaan dayax gacmeed oo ay hawada sare u diraan.
Horaantii sanadkan, Iran waxa ay si guul ah u dirtay dayax gacmeedka Mahda ee cilmi baarista, kaasi oo culayskiisu gaarayo 32 kiiloogaraam.
Sidoo kale horey, Ciidanka cirka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ee magacooda loo soo gaabiyo (IRGC) ayaa si guul leh u diray dayax-gacmeedka Soraya kaasi oo hawlo muhiim ah qabtay.
Tilaabooyinkan ayaa waxaa isha ku haya Mareykanka iyo reer Galbeedka oo ka walaacsan xawliga Iiraan ay ku socoto ee dhanka nidaamka hawada sare, waxaana ugu wayn walaaca la xiriira in dayax gacmeedyada Iiraan u adeegsato arrimo basaasnimo.
HBN Online TV