Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyay qalab casri ah oo lagu ogaado walxaha qarxa iyo miina baarista, kaasoo ay ugu deeqday dowladda Ingiriiska.
Qalabkan iyo gaadiidka dagaalka ah ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada ka dhanka ah Alshabaab ee dalka ka socda, sida ay sheegtay wasaaradda Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo masuuliyiin kale ayaa munaasabadda ku sheegay in qalabkan qiimihiisu lagu qiyaasay 500,000 Pound ( oo u dhiganta $675), islamarkaana loogu talagalay badbaadinta ciidamada iyo shacabka.
Fiqi ayaa sheegay in qalabkan uu ka yimid iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska, isla markaana muhiim u yahay ka hortagga miinooyinka iyo qaraxyada waxyeellada leh ee ay cadowgu dhigeen, taasi oo ula jeedo Alshabaab.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in qalabkan ay adeegsan doonaan kooxo gaaraya 60 si ay shaqada ugu gutaan si hufan, isla markaana maanta ay ciidamada xoogga ay joogaan heer ay iyagu la wareegaan shaqada iyo howlaha dalka.
HBN ONLINE TV