Ingiriiska oo digniin amni ka soo saaray xadka ay wadaagaan Soomaaliya, Kenya & Itoobiya

Dowladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda kula talisay in ay ka fogaadaan dhammaan safarrada aan daruuriga ahayn ee ku wajahan magaalada Moyale ee ku taalla xuduudka Kenya iyo Itoobiya, iyadoo ay sii xoogeysanayaan amni-darrada iyo dagaallada u dhexeeya Oromada iyo Soomaalida. Colaadda ayaa la sheegay inay barakicisay kumannaan qof, isla markaana ay saamaynteedu gaartay gudaha Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK ayaa Moyaale ku dartay liiska goobaha ay saaran yihiin xayiraadaha safarka, iyadoo digniintaas soo saartay Jimcihii shalay 6-dii November 2026. Wasaaraddu waxay sidoo kale ka digtay in dadka iska indha-tira taladeeda ay waayi karaan caymiska safarka.

Warbaahinta Kenya, oo ay ku jirto Daily Nation, ayaa maanta sheegtay in dagaalladu ay sababeen qulqulka dad badan oo u soo gudbaya Kenya. Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa qiyaastay in in ka badan 50-kun oo qof ay ka tallaabeen xuduudda si ay uga baxsadaan colaadda. Dagaallada ayaa sidoo kale saameeyay dadka ku nool dhinaca Kenya, iyadoo la sheegay in rasaas habow ah iyo gantaallo ay ku dhaceen gudaha dalkaas.

Taliyaha ciidamada Booliiska Kenya, Douglas Kanja, ayaa sheegay in laba haween ah, oo mid Kenyan ahayd midna Itoobiyaan ay ku dhinteen rasaas habow ah, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku nool Moyaale ayaa wajahaya yaraanta badeecooyinka muhiimka ah iyo koronto la’aan. Qiimaha raashinka aasaasiga ah, sida bariiska, saliidda cuntada iyo caanaha, ayaa la sheegay inuu ku dhowaad laba jibbaarmay.

Amni-darrada ayaa sidoo kale sababtay barakac dheeraad ah, iyadoo maalin kasta qiyaastii 10 bas oo midkiiba qaado 62 rakaab ah ay magaalada uga baxaan dhanka Nairobi.

Kanja oo Moyaale booqday 5-tii bishaanNovember, ayaa sheegay in Kenya ay ciidamo dheeraad ah geyneyso deegaanka, isla markaana ay wada-hadallo la leedahay mas’uuliyiinta Itoobiya si wax looga qabto xaaladda loona fududeeyo soo laabashada Kenyanka ku xanniban xuduudda.

Digniinta UK ayaa sidoo kale khusaysa deegaanno kale oo xuduud la leh Soomaaliya, sida Mandheera, Ceel-Waaq, Gaarisa iyo qaybo ka mid ah gobolka Lamu,si aysan khatar ugala kulmin rabshadaha halkaas ka jira iyo Alshabaab oo beegsan karta Dadkaas sida warka loo dhigay.

UK ayaa muwaadiniinteeda ku wargelisay in ay la socdaan fariimaha ay dirayso Saafaradda Ingiriiska ee Kenya.

Safaaradaha Ingiriiska ee ku yaalla Dalalka rabshadaha ay ka dhacaan & kuwa u dhow waxa ay marweliba uga diga dhibaatooyinka kasoo gaari kara muwaadiniinta haysta dhalashada dalkaas, si ay uga fogaadaan halista soo gaari karta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed