In ku dhow 50 ruux oo dhimasho & dhaawac ku noqday Shil Tareen oo Ka Dhacay dowlad-deegaanka Soomaalida

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay, halka 29 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii tareen xamuul ah uu xalay ku rogmaday magaalada Shinile ee ku taalla Dowlad-Deegaanka Soomaalida.

Goobjoogayaal ku sugan goobta shilka ayaa sheegay in tareenka oo xamuul siday uu rogmaday xilli uu marayay meel u dhow saldhigga tareennada ee Shinile, taas oo keentay khasaare naf iyo hantiyeed oo weyn.

Ciidamada gurmadka degdegga ah iyo dadweynaha deegaanka ayaa weli ku hawlan hawlgallo samatabbixin iyo baadi-goob ah, iyadoo laga cabsi qabo in dad kale ay ku hoos jiraan burburka tareenka.

Mas’uuliyiinta maamulka tareennada Itoobiya ayaa bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay shilka, iyadoo tirada khasaaraha la filayo in ay korodho marka hawlgallada la soo gabagabeeyo.

Maamulka deegaanka iyo hay’adaha gurmadka ayaa ugu baaqay shacabka inay ka qayb qaataan dadaallada samatabbixinta, iyagoo sidoo kale ku boorriyay dadka inay ka fogaadaan goobta shilka inta lagu guda jiro hawlgallada badbaadinta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed