Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku-duwidda gargaarka bani’aadannimada (OCHA) ayaa shaacisay in in ka badan 84,000 oo qof ay saameeyeen fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Soomaaliya, kuwaasoo ilaa bartamihii bishii hore sababay geerida ugu yaraan 17 qof.
Warbixinta ayaa sheegtay in roobab kale laga filaayo in ay ka da’aan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya maalmaha soo socda, taas oo sare u sii qaadi karta khatarta fatahaadaha cusub.
OCHA waxay sidoo kale sheegtay in fatahaadahan ay kusoo beegmeen xilli ay aad u yartahay maalgelinta hay’adaha gargaarka, taasoo wiiqaysa awooddooda ay ugu jawaabi lahaayeen xaaladaha degdegga ah ee ka dhalanaya masiibooyinka.
Soomaaliya ayaa horey uga badbaadday fatahaado culus sanadkii 2023, kuwaasoo ay sababeen roobab xiriir la lahaa El Niño, waxayna fatahaadahaas dileen in ka badan 100 qof, halka ay barakiciyeen in ka badan hal milyan oo qof.
Gobolka Geeska Afrika ayaa ka mid ah meelaha dunida ugu nugul isbedelka cimilada, iyadoo roobabka iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee daran ay si isa soo taraysa ugu soo badanayaan.
HBN ONLINE TV