Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad, kaas oo ay u fadhiisteen in ka badan 46 kun oo arday.
Imtixaanka waxaa lagu galayaa 125 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, iyada oo si weyn loo sugigayo amniga goobaha Imtixaanka lagu galayo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka, ayaa sheegay in sanadkan ardayda Soomaaliyeed oo kali ah uusan ku koobneyd, ayna la gali doonaan Arday ka socda dalka Suudaan, isaga oo u rajeeyay guul iyo natiijo wanaagsan.
Agaasimaha Waxbarashada Gobolka Banaadir Cabdiraxamaan Cali Maxamed oo sheegay in sanadkan Imtixaanka u fadhiisteen 46,225 Arday, wuxuuna kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa imtixaanka, u hoggaansamaan xeerarka loo dejiyay, isla markaana ixtiraamaan macallimiinta iyo howlwadeennada kormeeraya imtixaanka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mas’uul ka ah qabashada imtixaanka dugsiga dhexe, waxaana amniga goobaha imtixaanka sugaya ciidamo booliis ah oo loo xilsaaray ilaalinta habsami u socodka imtixaanka.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

