Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in 41,639 arday ay maanta u fariisteen imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, kaas oo ka socda dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir. Tani waa tiradii ugu badnayd ee abid u fariisata imtixaan noocan oo kale ah oo heer gobol ah Soomaaliya, taasoo muujinaysa horumar iyo kobac ballaaran oo dhinaca waxbarashada ah oo laga gaaray gobolka.
Ardayda imtixaanka u fadhiisatay ayaa ka kooban 22,778 wiilal ah iyo 18,860 gabdho ah oo ay ku jiraan 32 arday oo baahiyo gaar ah qaba, kuwaas oo la siiyay adeegyo gaar ah si ay si cadaalad ah ugu gutaan imtixaanka.
Imtixaanka ayaa si isku mid ah uga bilowday dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo la adkeeyay ammaankagoobaha imtixaanka, lagana howlgeliyay ciidamo boolis ah si loo sugo jawi nabdoon oo ardaydu si kalsooni leh ugu galaan imtixaankooda.
Munaasabadda furitaanka imtixaanka ayaa waxaa daahfuray mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, oo ay hor kacayeen Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka, waxayna bogaadiyeen dadaalka ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta, iyagoo tilmaamay in kororka tirada ardaydu uu yahay guul loo wada dhan yahay.
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa mar kale xaqiijiyay in imtixaanka uu si hufan u socdo, isla markaana la hubiyay in dhammaan goobaha lagu gelayo imtixaanka ay yihiin kuwo buuxiyay shuruudihii lagama maarmaanka u ahaa waxbarashada iyo baahiyaha ardayda.
HBN ONLINE TV