Kumanaan arday ah oo dhigta fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, kadib dhowr maalmood oo uu si habsami leh uga socday gobolka Banaadir.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya, tirada ardayda u fariisatay imtixaanka sanadkan ayaa gaaraysa 41,639, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee abid imtixaan noocan oo kale ah loogu fariisto gobolka. Tani waxay astaan u tahay horumarka muuqda ee ka socda waxbarashada dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Ardayda imtixaanka u fadhiisatay waxaa ka mid ah 22,778 wiil iyo 18,860 gabdhood, iyo sidoo kale 32 arday oo qaba baahiyo gaar ah, kuwaas oo helay adeegyo khaas ah si fursad loo siman yahay loogu dhammeeyo imtixaanka.
Imtixaanka ayaa si isku mid ah uga qabsoomay dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo la adkeeyay amniga goobaha imtixaanka, laga soo bilaabo Isniintii ilaa maanta oo uu soo xirmay.
Markii uu dhamaaday imtixaanka, waxaa waddooyinka Muqdisho buux dhaafiyey arday faraxsan oo damaashaadaya, qaarna waxay si toos ah ula falgaleen ciidamada ammaanka iyo kormeerayaasha, iyagoo ciidamada ay ka caawiyeen ardada wadooyinka biyaha fariisiga leh ku dhaafiyaan gaadiidkooda. Warbaahinta gudaha ayaa qaaday wareysiyo ardayda ka mid ah, kuwaas oo muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin maalintan muhiimka ah oo ay ku tilmaameen “guul weyn oo taariikhi ah.”
Mas’uuliyiinta waxbarashada, waalidiinta iyo aqoonyahanka ayaa si wadajir ah ugu hambalyeeyay ardayda dadaalkooda iyo guushooda, iyagoo xusay in tirada sii kordheysa ee ardayda wax baraneysa ay ka tarjumeyso rajada mustaqbalka iyo horumarka ay Soomaaliya ku socoto, xilli dalka uu ku jiro waddo soo kabasho dhan walba ah.
Tani waa tillaabo muhiim u ah dib u dhiska hay’adaha waxbarashada iyo xaqiijinta fursad waxbarasho oo loo siman yahay dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV