Waxaa maanta u bilowday guud ahaan deegaanada Somaliland imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada dhexe iyo sare, iyadoo ay sanadkan imtixaanka u fadhiisteen 40,176 arday, sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
Imtixaanka ayaa laga qaaday arday ku kala sugan degmooyin kala duwan laga bilaabo Saylac ilaa Baran, taas oo muujinaysa in guud ahaan ardada deegaannada kala duwan ee Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo si rasmi ah uga daahfuray imtixaanka dugsiga s Faarax Oomaar oo ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ardayda sanadkan imtixaanka u fadhiisanaysa ay isugu jiraan dugsiyada dhexe iyo sare, isla markaana uu imtixaankani yahay marxalad muhiim u ah mustaqbalka waxbarasho ee carruurta Somaliland.
Cirro ayaa xusay in imtixaankan uu yahay mid rajo cusub u abuuraya ardayda Soomaaliyeed ee ku jira heerarka kala duwan ee waxbarashada, isagoo kula dardaarmay inay muujiyaan dadaal, dulqaad iyo anshax wanaagsan inta uu socdo imtixaanku.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa dhankeeda sheegtay in la diyaariyay xarumo imtixaan oo si gaar ah loo adkeeyay ammaankooda, lana xaqiijiyay in nidaamka imtixaanku uu u dhacayo si hufan oo caddaalad ah.
Soomaaliya, sanadkan dhanka waxbarashada ayaa waalxay muujisay isbdedel cusub, ka dib markii kobac ku yimid tirada ardada waxbarata aas aasiga ah iyo tan sare.
HBN ONLINE TV