Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay, 32 kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay hotel ku yaalla goobta barafka lagu ciyaaro ee Kartalkaya oo ku taal waqooyiga dalka Turkiga.
Dabka ayaa ka bilowday xalay saqdii dhexe qeybta maqaayadda ee hotel-ka, waxaana uu si degdeg ah ugu fiday dhismaha, sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Bolu, Cabdulaziz Aydin.
Kooxaha gurmadka degdeg ah oo ka yimid magaalooyinka deriska ah, iskuguna dab-demiska, kooxaha ka jawaaba musiibooyinka, iyo kooxaha caafimaadka oo taageero helaya diyaaradaha helikobtarada ayaa loo daadgureeyay goobta.
Mas’uuliyiintu waxay ka daadgureeyeen hotel-ka ku dhawaad 230 qof oo hotelka deganaa iyadoo howsha dab-damiska ay socotay. Baaritaan lagu ogaanayo sababta dabka ayaa la bilaabay.
Kartalkaya, oo ku taalla gobolka Bolu, waa mid ka mid ah meelaha ugu wanaagsan ee dalxiiska xilliga jiilaalka ee Turkiga. Xilliga barafka lagu ciyaaro, goobtan ayaa soo jiidato kumannaan qof oo dalxiisayaal ah. Waxay 295 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan tahay magaalada Istanbul.
HBN Online TV