Dowladda Federaalka Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada xoogga oo kashanaya dadka deegaanka ayaa sheegtay in howlgallada ay ka fuliyeen lagu xubno badan oo Alshabaab ah.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay Beera Yabaal, Caddow Gurey iyo kuwa kale oo ku yaalla Jiinka Webiga Shabeelle ay ku dileen in ka badan 40 Alshabaab ah.
“In ka badan 40 AS ayaa lagu dilay howlgallada ay ciidamada ka wadaan deegaannada bariga gobolka Hiiraan, waxaana jira dhaawacyo, howlgallada weli waa ay socdaan” ayuu yiri Afhayeenka.
Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in deegaannadii lagu la dagaalamay kooxda ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Ciidamada Amniga oo shalay dagaal jarmaada ahaa ku qaaday deegaanno ka tirsan Hiiraan ayaa xoojiyay howlgallada ay ka fulinayaan gobolka, kuwaasi oo ka dhan ah Alshabaab.
HBN ONLINE TV