In ka badan 20 ruux oo Soomaali oo ku dhintay xeebaha dalka Madagascar

Ugu yaraan 22 qof oo muhaajiirin Soomaali ah ayaa ku dhintay Badweynta India Occean, ka dib markii doonyo ay la socdeen ku degtay xeebaha dalka Madagascar.

Dhacdaan ayaa waxaa ka bad baaday oo 48 ruux oo la waayey doonyo ay la socdeen, taasi oo la soo wariyay inay ugu dambeyn ku digtay xeebta dalka Madagascar, sida ay xaqiijiysay wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi oo la soo wadaagtay xogtaan Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in dadkan oo saarnaa laba doonyood ayna la socdeen in ka badan 70 ruux ay kula qalibantay xeebaha dalka Madagascar, isaga oo uga tacsiyeeyey marka hore waalidiinta ay ka bexeen inta dhimatay.

“Laba doonyood ayey saarnaayeen, doon ka mid ah waxaa saarnaa 38 ruux, midna waxaa saarnaa 32 qof, dadka ku dhintay tiradooduna waxaa la xaqiijiyey in ay yihiin 22, inta la soo bad baadiyeyna waaa 48 oo haaatan gacanta ugu jira dowladda Madagascar” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Sida oo kale waxaa uu sheegay in baaritaan ay lagu sameyn doono doomahan halista galiyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ah halka ay ka soo shiraacden iyo in dowladda Soomaaliya halkaasi u diri doonto masuuliyiin ka socda si ay u soo eegaan inta ruux ee sida rasmiga ah u ah muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto talaabooyin dalka dib loogu soo celinayo dadka badbaaday, taasi oo diiradda ay ku saari doonto badqabka dadkaasi.

Waxaa uu dhacdaasi dadka ku dhinteen ku tilmaamay fal dambiyeed laga yaabo in ay ku lug leeyihiin dadka sida sharci darrada ah u tahriibiya dadka.

HBN ONLINE TV

.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed