In ka badan 10 ruux oo waxyeelo ka soo gaartay qarax haan gaas cuntada ah gobolka Bari.

13 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay ku qaraxday haan gaaska wax lagu karsado degmada Ufeyn ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland sida ay sheegayaan masuuliyiinta deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Ufeyn, Axmed Abshir Saciid ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ay yihiin dad isku qoys ah, iyadoo goobta wax ka dhaceen la sheegay in ay tahay goobaha dadka barakacayaasha degaanyihiin ee magaaladaasi.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah dad u soo gurmaday qoyskan, ka dib markii uu ku qarxay gaaska cuntada lagu karsado, waxaana la dhigay qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari si loogu daaweeyo.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in markii hore ee ay haantu gaaska qaraxday ay ku dhaawacmeen laba qof balse 11 qof oo gurmad ahaan ugu yimid goobta ayaa iyagana dhaawac uu soo gaaray. Dhaawaca dadku qabaan ayaa ah mid kala duwan.
Gudoomiye Axmed Abshir Siciid ayaa farta ku fiiqay in bulshada looga baahan yahay taxadar iyo wacyigalin ku aadan in marka ay arkaan ama ay la kulmaan xaaladahan ay ka digtoonaadaan isla markaana la baro sida ay wax u badbaadin karaan iyagoon naftooda dhibaato u geysan.

Haamaha Cunto karinta ayaa dhowr jeer ku qarxay dadka isticmaalaya iyada oo wacyiga bulshada laga siiyo khatarta uu leeyahay ay tahay mid yar si looga fogaado loogana hortago dhibaatooyinka xun ee ka dhalan kara marka uu qarxo, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed