In ka badan 10 ruux oo Dhismasho iyo dhaawac ka soo gaaray duqeyn Ruushka uu ka geystay Ukraine

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyootay 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha drone-ka oo saaka Ruuushku ka gaystay magaalada Sumy ee waqooyi-bari ee Ukraine sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka.

Guddoomiyaha gobolka, Volodymyr Artyukh,ayaa sheegay in adeegyada gurmadka ay wali ka soo saarayaan dad ku hoos jira burburka dhismaha, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Weerarka ayaa burburiyay shan guri oo dabaqyo ah, wuxuuna sidoo kale waxyeelleeyay in ka badan 20 gaari, sida ay sheegeen masuuliyiintu. Shaqada gurmadka ayaa sii socotay ilaa subaxnimadii Khamiista.

Gobolkani wuxuu xuduud la leeyahay gobolka Kursk ee Ruushka, halkaas oo Ukraine ay weerar ku qaaday bishii Agoosto 2024, waxaana si joogto ah loogu weeraraa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.

Ruushku wuxuu dafiray inuu si kas ah u beegsado shacabka, balse kumannaan qof ayaa ku dhintay, kumannaan kalena way ku dhaawacmeen tan iyo markii ciidammada Moscow ay duullaan buuxa ku qaadeen Ukraine bishii Febraayo 2022.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed