Ku dhawaad laba milyan oo muslimiin ah ayaa maanta waxaa u bilaabatay gudashada waajibaadka Xajka sannadkan, iyadoo oo ay ku jiraan in ka badan 11-kun oo Soomaali ah.
Xujeydu waxay maanta ka guureen hotelada magaalada ay ka deganaayeen Makka , iyaga oo degeya teendhooyinka Mina oo isla deegaanka Makka ah, berrina waxay istaagayaan buurta Carrafo oo aan wax badan ka fogeyn.
Sidoo kale, Xujeyda maalinta xigta [Ciidda] ayey gudanayaan acmaasha ugu badan ee Xajka sida Dhagax-tuurka, Xiirashada timaha iyo Dawaafka Xaramka — Dhowr beri oo ay joogayaan Mina, ka dib waxay isu diyaarinayaan in ay u baqoolaan dalalkooda.
Soomaaliya oo sanadkan ka bexeen 11,500 oo Xaajji ayaa sheegtay inay dalaal xooggan ku bixin doonto sidii muwaadiniinteeda u heli lahaayeen adeegyada muhiimka ah.
Waxaa xusid mudan in sanadkan qudbadaha xajka afafka lagu turjumi doono lagu soo daray luuqadda Soomaaliga, taasi oo ay soo dhaweeyeen Xujeyda Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV