Ciidamada Puntland ee ku jira howlgalka ka dhanka ah Daacish ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday Cal miskaad lagu dilay in ka badan toban xubnood kooxda Daacish ka tirsan.
Duqeyntan lala beegsaday kooxda ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in xubnaha la dilay oo dhami ahaayeen ajaaniib, sida uu sheegay Taliska Howlgalka Puntland .
“Duqeynta hawlgalka 24-kii saac ee u danbeysay waxaa lagu dilay in ka badan 13 Ajaanib Argagixiso ah, deegaanka Dhasaq ee buuralayda Cal-miskaad” ayaa lagu yiri warka Taliska howlgalka Puntland ee Bari.
Lama oga cidda fulisay duqeynta, inkastoo dhawaan Mareykanku duqeyn uu ka geystay aaggaas, taasi oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish.
Sidoo kale, saraakiisha ku guda jira howlgalka ka socda 3 Bil buuraha Cal miskaad ayaa wacad ku maray inay sii laba jibaari doonaan dagaalka ay Daacish kaga saarayaan sida ay warka u dhigeen gobolka.
Todobaadkii hore ayaa Puntland dagaal adag oo kooxda ay isku wajaheen waxaa lagu sheegay in lagu dilay xubnihii ugu badnaa ee Ajaaniib ah oo tiradoodu ka badneyd sida uu talisku ku sheegay ku dhawaad 60 xubnood oo konton ka mida ahaayeen Ajaaaniib Afriaanka iyo Carab isugu jiray.
HBN ONLINE TV