Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta bilaabay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee 2023-2024, iyadoo tiro ka badan 37,000 oo arday ay ka qeyb galeen guud ahaan dalka.
Intii ay socotay munaasabadda furitaanka ayaa Ra’iisul Wasaare Barre waxa uu ku ammaanay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare dadaalka ay ugu jirto horumarinta nidaamka imtixaanaadka casriga ah. Waxa uu ku nuux-nuux saday in waxbarashada ay ka mid tahay waxyaabaha ugu horreeya ee ay u baahan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay barbar socoto amniga.
Bulshada Soomaaliyeed ayuu kula dar daarmay in ay garab istaagaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adaha Amniga si loo fududeeyo habsami u socodka Imtixaanka.
Imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkan ayaa ka duwan kuwii hore, maadaama lagu qaadi doono magaalooyin kala duwan oo aan horay loogu qaadin kuwaas oo ku jiray gacanta kooxda Al shabaab isla markaana laga xoreyay.
Degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa markii ugu horeysay ka furmay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad, tan iyo markii laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab.
33-sano ayaa laga joogaa markii imtixaankii ugu dambeeyay lagu galo degmada Ceel-dheer oo ay dowladdu ka cirib tirtay kooxda Shababab, isla markaana ay keentay adeegyadii ay degmadu u baahnayd oo ay ka mid tahay waxbarashada.
Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ayaa ah tallaabo muhiim u ah socdaalka waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, waxaana guusha laga gaaray imtixaanku ay ka tarjumaysaa sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha waxbarashada dalka.
HBN NEWS DESK