Deegaannada Puntland waxaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah uga furmay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee 2023/2024, kaasoo ay qaaday wasaaradda waxbarashada ee maamulkaasi.
Sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Puntland 21,801 arday ayaa u fariisatay imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2023/2024.
Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa ardayda kula dardaarantay in ay ku labistaan dareys buuxa oo ay la yimaadaan dhammaan agabka kale ee loo baahan yahay in lagu galo imtixaanaadka, isla markaana ay ka fogaadaan wax walbe oo dhaawici kara sharuudaha. imtixaanaadka.
Ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala deegaanada dowlad goboleedka Puntland ayaa fasaxay si loo helo goobo ay ku galayaan Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe iyo sare sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Dugsiga Hoose ayaa la filayaa in ay u gudbaan Dugsiga Sare haddii ay si fiican u soo baxaan oo ay helaan natiijooyin lagu gudbi karo halka fasalka 12-aad ay u gudbi doonaan Waxbarashada heerka Jaamacadeed.
Puntland ayaa ah dowlad goboleedka kaliya ee si madax bannaan u qaadaya Imtixaankooda kaasoo ka madax bannaan dowladda Federaalka, waxaana dhowr jeer ay diiday in ay qeyb ka noqoto Imtixaanka mideysan ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka oo ay ku dhawaaqday in uusan ahayn isku mid manhajka ardayda.
HBN NEWS DESK