Imaaraadka & Sudan oo uu ka dhex qaraxday muran diblumaasiyadeed oo culus.

Ciidamada Suudaan ayaa beeniyay eedeyn uga timid Imaaraadka Carabta oo ku aadan in ay duqeeyeen xarunta safiirkooda ee magaalada Khartoum, iyadoo Imaaraadku ay ku tilmaameen sida ay wax u dhaceen mid gardaro ah oo ka dhan ah safaaraddooda ku taala caasimadda Suudaan.

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada Sudan ayaa lagu sheegay in aysan bartilmaameedsan xarumaha ay ku shaqeeyaan ergada diblumaasiyadeed iyo xarumaha Qaramada Midoobay ama hay’adaha mutadawiciinta ah, isla markaana ay aysan u isticmaalin saldhigyo ciidan ama aysan bililiqaysan waxa ku jira.

“Kuwa fuliya falalkan foosha xun ee fulaynimada ah waa maleeshiyaadka argagixisada ah ee jabhadda Dagalo, kuwaas oo ay taageerayaan wadamada caalamka laga yaqaano, iyado ay si buuxda uga war hayaan wadamada iyo ururada caalamiga ah” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ciidamada Sudan.

“Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ma fuliyaan falalkan fulaynimada ah, mana ku xad gudbaan sharciga caalamiga ah, balse waxay bar-tilmaameedsadaan halka ay ku sugan yihiin maleeshiyadka, tanina waa xaq ay u leeyihiin inay difaacaan dawladda Suudaan” ayaa mar kale lagu xusay bayaanka.

Goor sii horeysay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay waxa ay ugu yeertay “weerar arxan darro oo lagu bartilmaameedsaday xaruntooda diblumaasiyada ee magaalada Khartoum, iyadoo loo adeegsaday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Sudan.”

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa lagu sheegay in weerarku uu burbur xooggan u geystay dhismaha, iyadoo ugu baaqday ciidamada inay si buuxda u qaataan mas’uuliyadda falkan fulaynimada ah.

Dawlada Imaaraadka ayaa sheegtay in ay u gudbin doonto warqad cabasho ah Ururka Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, taasi oo ah ashtako ka dhan ah sida hadalka loo dhigay “weerarka ay geysteen Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan, kaasoo ka dhigan xadgudub bareer ah oo loo geystay mabda’a aasaasiga ah ee lama taabtaanka ah ee xarumaha diblomaasiyadeed.”

Milateriga Suudaan ayaa marar badan ku eedeeyay Imaaraadka inay hub iyo taageero siiyaan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee uu hoggaamiyo Jeneral Maxamed Xamdaan Dagalo oo ciidankiisu ay la galaan ciidamada Sudan dagaal qarxay bishii April 2023-kii.

Kormeerayaasha cunaqabataynta Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay eedaymaha sheegaya in Imaaraadku taageero militari siiyeen RSF kuwa lagu kalsoonaan karo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 25 milyan oo qof oo kala bar ka mid ah shacabka Suudaan ay u baahan yihiin gargaar, iyadoo ku dhawaad 8 milyan ay ka qaxeen guryahoodii.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed