Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bilowday daad-guraynta askarteeda iyo qalabkeeda milatari ee ku sugnaa magaalada Boosaaso, kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u joojisay heshiisyadii amni ee u oggolaanayay Imaaraadka isticmaalka saldhigyo ku yaalla dalka. Tallaabadan ayaa timid iyadoo khilaafka labada dhinac uu gaaray heerkii ugu sarreeyay.
Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa saacadihii u dambeeyay laga dareemayay dhaqdhaqaaq xooggan oo dhinaca hawada ah, iyadoo diyaarado waaweyn oo xamuul ah ay si joogto ah u imanayeen una baxayeen garoonka diyaaradaha 48-kii saac ee la soo dhaafay, inkastoo wax duulimaad ah oo rayid ama militay ah maanta uusan imaan Boosaaso oo ka socda dhanka Imaaraadka.
Xogta la socodka duulimaadyada iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in celcelis ahaan lix diyaaradood oo nooca IL-76 ah ay maalin kasta ka degayeen kana kacayeen Boosaaso, kuwaas oo siday qalab milatari oo culus iyo saraakiil amni oo Imaaraati ah. Dhaqdhaqaaqan ayaa lagu tilmaamay mid aan caadi ahayn oo u eg daad-gurayn degdeg ah.
Bishii Oktoobar, warbixin ay daabacday Middle East Eye ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay u adeegsanayeen dekedda iyo garoonka Boosaaso marin sahay ah oo lagu taageerayo kooxda RSF ee ka dagaallanta Suudaan, taasoo ay ku jireen duulimaadyo joogto ah iyo xamuul lagu tilmaamay mid khatar ah, walow Puntland ay beenisay jiritaanka warkaasi.
Go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu buriyay heshiisyadii amniga, difaaca iyo horumarinta ayaa la sheegay inuu yimid kadib eedeyn loo jeediyay Imaaraadka oo ku saabsan in dalka loo adeegsaday baxsashada hoggaamiye Yemeni ah oo ay doonayeen Sucuudigu. Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ama dowladda Imaaraadka Carabta oo ku saabsan bixitaanka ciidamadan.
HBN ONLINE TV

