Xildhibaan Ilhaan Cabdullaahi Cumar oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, lagana soo doorto degmada 5-aad ee gobolka Minnesota ayaa si cad uga hor timid tallaabooyin uu qaaday Madaxweynaha 47-aad ee Dalka Maraykanka Donald Trump oo qaarkood si toos ah uga hor imaanaya Dastuurka.
Ilhaan Cumar ayaa diidmo culus kala hortagtay isku dayga Donald Trump ee ah in uu dhalashada u diido Carruurta Maraykanka ay ku dhalaan dadka sida sharci darrada ah ku galay Dalkaas, tallaabadaas ayay xustay in ay si toos ah uga hor imaaneyso Dastuurka Dalkaas.
Waxaa ay ku goodisay in Baarlamaanka ay dhex geyneyso mooshin ama soo jeedin ay u raadineyso sida ay hadalka u dhigtay Ilhaan taageero si looga hortago khatarta uu ku dhaqaaqayo Madaxweynaha ay is hayaan ee Donald Trump .
Joojinta Barnaamijka dib u dejinta Qaxootiga Maraykanka ee uu diidan yahay Donald Trump ayay saluugtay, waxa ay sheegtay in dadka soogalootiga ah loo baahan yahay in la mariyo nidaam dan ama maslaxo u ah Dalkaas balse aan lagu fududaan in la joojiyo.
Xildhibaan Ilhaan ayaa shaacisay inay diidi doonto wax weliba oo ka hor imaanaya Dastuurka Maraykanka ama ka dhan ah Horumarka laga sameeyay sinnaan la’aanta. Waxay carrabka ku adkeysay in ay diideyso siyaasadda qalafsan ee Madaxweyne Donald Trump, isagoo goor horaba go’aanada qaarkood uu qalinka ku duugay la fuliyey.
Trump ayaa si gaar ah u beegsaday markii uu xafiiska la wareegay isniintii dadka soo galootiga ah, isagoo si cad u sheegay inuu beegsan doono dalal ay Soomaaliya ku jirto dadkooda oo si sifooyin sharci dara ah ku soo galay Maraykanka.
HBN ONLINE TV