Ilhaan Cumar oo ka hadashay olalaha lagu doonayo in looga tarxiilo Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka falcelisay qaraar dhowaan la diyaariyay oo ah in xil ka xayuubin lagu sameeyo ka dibna loo masaafuriyo Soomaaliya oo asal ahaan ka soo jeeda ayaa riyo maalmeed ku tilmaamtay dadka ku fakiraya arrintaas.

Iyada oo xiisadda u dhaxaysa xubnaha aadka u mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka iyo xildhibaan Ilhaan Cumar ay sii xoogaysanaayso ayaa waraysi ay dhawaan bixisay Ilhaan waxay ku sheegtay in Maraykanka ay u siman yihiin ayada iyo Elon Musk oo ah maalqabeen xubin ka ah xukuumadda Maraykanka.

Hadalkan ayaa yimid ayadoo xildhibaanno Maraykan ah wadaan qorshe la doonayo in lagu musaafuriyo Ilhaan oo muddo dheer uu xifaaltan kala dhaxeeyey madaxweyne Trump, laakinse hadda xubno kale ay ku soo biireen.

Waxay waraysiga oo qayb yar oo ka mid ah ay soo galisay barteeda X ku sheegtay in ayada iyo xoghayaha waaxda cusub ee dhawaan la aasaasay ee waxtarka xukuumadda Elon Musk, ay labadooduba yihiin “laba qof oo muhaajiriin ah, laakinse aan wax badan ka baran sharciga dalka”.

“Aniga iyo Elon waxaan labadeennaba muhajiriin ku nahay dalkan, waxayna u eg tahay in qofkeenna uusan isku dhibin inuu barto shuruucda dhulkan. Gabi ahaanba waa xuquuqda dastuuriga ah ee dadka inay xuquuq leeyihiin ayadoo aan loo eegin meeqaamkooda.” Ayay Tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Qorshahaan waxaa daaha gadaashiis ka maamulaya Maalqabaynka xilka ka haya Dowladda Maraykanka ee Elon Musk, isaga oo kaashanaya xubno kale oo Xeer dejiyaal ah oo ka soo jeeda gobolka Texas, kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga.

Ilhaan Cumar waxay diiradda saartay meeqaamkeeda sharci ahaaneed ee sharciyaddeeda dhalashada Maraykanka, waxayna cambaareysay isku day kasta oo “lagu marin habaabinayo ficilladeeda iyo damaceeda”.

Sidoo kale, Ilhaan ayaa sheegtay in aanay xaq dastuuri ah u lahayn maamulka Donald Trump in ay tarxiilaan ama qaadaan dadka sida sharciga u jooga dalkaas, waxa ay tilmaamtay in loo baahanayo shuruudo badan oo haddii laga soo gudbo dadka la qaadi karo.

“Waxaan leenahay nidaam la maro, waxa aan leenahay talaabooyin la isku hubiyo. Waxa aan ognahay in marka dadka loo diyaarinayo tarxiil, inay tahay in ay hor tagaan xaaakimka socdaalka.” Ayey hadalkeeda sii raacisay.

Hadalkeeda ayay Ilhaan Cumar ku soo gabagabeysay “Waxaan ognahay in ay tahay in aad hesho ruqsad soo qabasho oo uu saxiixay xaakimka socdaalka ka hor inta aadan aadin in aad qof soo xirto. Dhamaantood arrimahaas waa xogta ay dadku doonayaan in ay ogaadaan, kumana noolaan karno meel la iska indhatiro isku xukunka sharciga, oo aan iska indha tirayno nidaamka la maro, oo aan abuurayno jawi cabsi leh”.

Ilhaan Cumar waxa ay sanado isku dhegen yihiin Madaxweynaha dib loo doortay ee Donald Trump, waxa uu ballaariyay furimaha Xildhibaannadaan ku sugan isaga oo markaan dhinac kasoo geliyay xubno ay isku xisbi yihiin iyo kuwo kale oo xilal u magacaabay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed