Xildhibaanad Ilhan Cumar ayaa si adag u beenisay eedeymaha sheegaya in lacago laga lunsaday barnaamijkii quudinta carruurta ee Minnesota loo adeegsaday maalgelinta Alshabaab. Waxay sheegtay in haddii xiriir noocaas ah la xaqiijiyo, ay ka dhigan tahay fashil ku dhacay hay’adaha sirdoonka iyo nidaamka garsoorka Mareykanka. Ilhan waxay ku adkaysatay inay “kalsooni weyn ku qabto” in eedeymaha jaaliyadda Soomaaliyeed lala xiriirinayo argagixisada ay yihiin kuwo been abuur ah.
Hadalkeeda ayaa yimid xilli Jamhuuriyiinta iyo warbaahinta muxaafidka ahi ay sii buunbuuninayaan suuragalnimada in lacagihii la lunsaday ee barnaamijka “Feeding Our Future” ay gaareen gacmo argagixiso. Arrintan ayaa noqotay arrin siyaasadeed oo sii kululaaneysa, iyadoo Donald Trump kordhiyay weerarrada uu ku beegsanayo Soomaalida Minnesota oo uu ku tilmaamay erayo naceyb ku dheehan yahay.
Kiiska Barnaamijkan ayaa ah mid ka mid ah musuqmaasuqii ugu weynaa ee la xiriira maalgelintii COVID-19, iyadoo ilaa 47 qof lagu eedeeyay inay lunsadeen ku dhowaad $300 milyan oo loogu talo-galay quudinta carruurta. Lacagahaas ayay baaritaannadu muujiyeen in lagu iibsaday guryo, baabuur raaxo iyo hanti dibedda ah. Inkasta oo xukuno badan la riday, weli ma jiro wax caddeyn ah oo muujinaya in lacagahaasi u gudbeen argagixiso.
Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in dowladda ay hadda raad-raacayso dhaqaale ka baxay Minnesota oo gaaray Bariga Dhexe iyo Soomaaliya, si loo hubiyo halka ay ku dambeeyeen. Sidoo kale, Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiillada oo ay hoggaamiyaan Jamhuuriyiinta ayaa baaritaan ku furay maamulka Minnesota, iyagoo ku eedeynaya dayacaad ku wajahan digniinihii musuqmaasuqa.
Ilhan Cumar ayaa dhaleeceysay hadallada Trump oo ay ku tilmaamtay kuwo naceyb xambaarsan oo halis gelin kara badbaadada Soomaalida Mareykanka. Waxay sheegtay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ay yihiin muwaadiniin iyo canshuur-bixiyeyaal, isla markaana ay iyagu yihiin dhibanayaal maadaama lacagtii loogu talo-galay carruurta la lunsaday. Ilhan waxay ku adkaysatay in loo baahan yahay isla-xisaabtan dhab ah, balse aan lagu maxaabiin bulsho dhan dambiyada ay galeen shaqsiyaad kooban.
Hbn Online Tv

