Khabiirka arrimaha milatariga iyo istaraatijiyada Kornayl Hatem Karim al-Falahi ayaa xaqiijiyay in hadallada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo ay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah raadineyso ee sheegaya in Israel ay maamulayso hawada Iran aysan ahayn kuwo run ah, isla markaana aysan ka tarjumin xaqiiqada buuxda.
Khabiirka milatari wuxuu adkeeyay in nidaamyada difaaca hawada Iran ay weli awood u leeyihiin inay ka hortagaan diyaaradaha dagaalka Israel, taas oo dhacda mar kasta oo Israel ay duqeyn ku qaaddo Iran.
Dhanka kale, al-Falahi wuxuu qiray in ciidamada cirka Iran aysan awoodin inay hawada ku dagaalamaan, maadaama agabka ciidankani uu yahay mid duug ah, aan casri ahayn, sababtuna tahay cunaqabatayntii Iran saarneyd muddo dheer, sidaas darteedna aysan awoodin inay si toos ah ula dagaalamaan diyaaradaha Israel.
Saacadihii la soo dhaafay, Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) waxay ku dhawaaqeen in hawada Israel ay sida doonayaan ka yeeli karaan oo ay gantaallada Iran si toos ah u gali karaan, taas oo uu al-Falahi ku sheegay caddeyn ah in dagaalku yahay mid hawada ka socda, lana wada xakamaynayo labada dhinac.
Dhibaatada Gantaallada
Marka laga hadlayo awoodaha difaaca cirka ee Israel, al-Falahi wuxuu tilmaamay in nidaamka difaaca uu wajahayo caqabado culus, isagoo sharraxay in nidaamkan loo adeegsado ka-hortagga gantaallada fogaanta dheer gaari kara ilaa 2,400 km iyo wixii ka sarreeya. Al-Falahi wuxuu sheegay in tirada gantaalladan ay yaraadeen, sababtuna tahay isticmaalka badan ee tan iyo bishii Oktoobar 2023 oo lagu isticmaalayay goobo badan oo dagaal ah.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in yaraanta gantaalladan ay si weyn u yareyneyso awoodda Israel ee nidaamyada difaaca hawada, taasoo keentay in ay ku guul darreysato difaaca goobaha istaraatijiyadeed ee gudaha Israel, isla markaana la oran karo waa ay ka hoos bixi karaan gantaallada Iran.
Gantaallada Iran ee la adeegsaday
Al-Falahi wuxuu si gaar ah u xusay gantaalka Sejjil oo ah gantaal ballistic ah oo fogaan dheer, gaari kara 2,000 ilaa 2,500 km, wuxuuna sidaa madaxa qarxa oo miisaankiisu gaarayo ilaa 500 kg.
Wuxuu tilmaamay in gantaalkan uu yahay “hypersonic” sababtoo ah xawaarahiisu aad buu u sarreeyaa wuxuuna ka dheereeyaa codkiisa ilaa 14 goor waana xawaare aad u sareeya laguna beegsado bartilmaameedyo si sax ah, wuxuuna ka mid yahay gantaallada horumarsan ee keydka Iran ku jira.
Inkasta oo tirada gantaallada ay Tehran dhowaan ridey hoos u dhacday, al-Falahi wuxuu sheegay in hoos u dhacaas ay la socoto tayada sare ee weerarada gantaallada Iran, isla markaana ay gaaraan meelaha bartilmaameedka ah si ka fiican sidii hore.
Diyaaraha B-2 ee Mareykanka
Waxaa jira war wayn oo soo baxay kaasi oo sheegaya in Mareykanku uu ku dhawaaqay in diyaaradaha qarsoon ee B-2 Spirit ay soo gaareen saldhigga Diego Garcia ee Badweynta Hindiya.
Diyaaradahaan waxay ka mid yihiin diyaaradaha istaraatijiyadeed ee Mareykanka ee loogu talagalay weerarada nukliyeerka iyo kuwa caadiga ah, waxayna ku duuli karaan masaafo dheer oo gaadhaysa 14,080 km.
Masaafada u dhaxeysa saldhiggaas iyo Tehran waxa lagu qiyaasaa ilaa 5,300 km, balse al-Falahi wuxuu adkeeyay in diyaaradahaasi aysan awoodin inay duqeeyaan xarumaha nukliyeerka ee Iran, gaar ahaan Fordow, sababtoo ah ma qaadi karaan bambaanooyinka sida gaarka ah loogu talagalay jebinta difaacyada dhulka hoostiisa ah, xarunta Fordow waxay ku taallo dhulka hoostiisa 500 ilaa 800 mitir.
Is-xagxagasho sii kordhaysa
Al-Falahi wuxuu ka digay in xaaladda gobolka ay guud ahaan ku socoto jihada kacsanaanta, isagoo xusay in heerka khatarta dagaal shalay uu ahaa 80%, haatanna kor ugu kacay oo gaaray ilaa 85%, isla markaana Mareykanku uu dhaqaajiyay markabka xambaara diyaaradaha dagaalka.
Dhinaca kalena Ciiddanka Shanaad ee Badda Mareykanka ee fadhigoodu yahay Bahrain waxey hawlgaliyeen markabyo dagaal, taasi oo muujinaysa diyaar-garowga dagaal ee ciidanka Mareykanka.
HBN ONLINE TV