Iiraan & Ruushka oo qalinka ku duugaya hesiiska “Iskaashi Istiraatiiji oo Dhamaystiran”.

Madaxweynaha Iiraan Massoud Bizeshkian ayaa maanta gaaray magaalada Moscow ee caasimada Ruushka, halkaasi oo saga isaga dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin qalinka ku duugi doionaan heshiiska “Iskaashi Istiraatiiji oo Dhamaystiran”.

Madaxweyne Bizeshkian & Putin ayaa kulan waxay ku leeyihiin Qasriga looga arrimiyo dalka Ruushka ee Kremlin ee  magaalada.

Heshiiskan ayaa ah natiijada saddex sano oo wadahadallo qoto dheer iyo wafuud labada dhinac ah ay socdaallo ku kala bixinayeen Tehran & Moscow, wuxuuna ka tarjumayaa rabitaanka guud ee Ruushka & Iiiraan ee ku aaddan xoojinta xiriirka dhinacyo kala duwan.

Heshiiska wuxuu ka kooban yahay ilaa 47 qodob, wuxuuna ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee meelaha muhiimka ah sida tamarta, gaadiidka, difaaca, amniga, iyo dhaqaalaha.

Tehran waxay u aragtaa heshiiskan inuu yahay isbeddel istiraatiiji ah oo ku aadan siyaasadeeda arrimaha dibadda iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay Bariga, iyadoo la tacaaleysa cadaadiska reer Galbeedka iyo cunaqabataynta Mareykanka.

Qodobbada Muhiimka ah ee Heshiiska

In kasta oo faahfaahinta saxda ah ee heshiiska aan weli si buuxda loo shaacin, haddana qaar ka mid ah waxyaabaha muhiimka ah ee heshiiska ayaa tilmaamaya arrimahan:

Tamarta:

  • Maalgashi wadajir ah oo lagu horumarinayo ceelasha shidaalka iyo gaaska,
  • Isweydaarsi tiknoolajiyadeed,
  • Xoojinta iskaashiga warshadaha kiimikada (petrochemical).

Gaadiidka:

  • Dhameystirka mashruuca Waddada Waqooyi ilaa Koonfur (North-South Corridor) oo ka timaada Ruushka tagtana ilaa Badda Cumaan iyo Gacanka Faaris,
  • Fududeynta ganacsiga iyada oo loo marayo kaabayaal gaadiid,
  • Xoojinta khadadka tareennada iyo marinnada badda.

Difaaca & Amniga:

  • Horumarinta iskaashiga milatari iyo isdhaafsiga tiknoolajiyada difaaca.

Dhaqaalaha:

  • Kordhinta ganacsiga labada dal,
  • Yaraynta ku tiirsanaanta doolarka Maraykanka ee ganacasiga,
  • Xoojinta iskaashiga bangiyada si loo wajaho cunaqabataynta.

Walwalka Reer Galbeedka ee Heshiiska

In kasta oo uu muhiim yahay, heshiiskan wuxuu wajahday falcelin xooggan oo ka timid Reer Galbeedka. Falanqeeyayaasha reer Galbeedka waxay u arkaan inuu yahay talaabo lagaga hor tagayo saameynta Mareykanka iyo Yurub ee Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya.

Dalalka reer Galbeedka waxay sidoo kale ka baqayaan in xoojinta xiriirka Iiraan iyo Ruushka, gaar ahaan dhinacyada milatariga iyo tamarta, ay wiiqi doonto nidaamka cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran Moscow iyo Tehran.

Dad badan oo cabsi qaba waxay u arkaan in Ruushka oo door ka ciyaara mashruuca Waddada Waqooyi ilaa Koonfur uu ka dhigan yahay:

  • In Iiraan ay suuqyada Yurayshiya (Eurasia) si fudud ugu xirnaato,
  • In Ruushku uu gaaro biyaha kulul ee Gacanka iyo Badda Cumaan,
  • Iyo suurtagalnimada in tamarta loo dhoofiyo marinno aan Reer Galbeed ahayn, taasoo caqabad ku noqon karta nidaamka dhaqaale iyo istiraatiijiyadda gobolka.

Hadafyada Iiraan

Iiraan waxay leedahay dhowr ujeedo oo muhiim ah:

  1. Ka hortagga cunaqabataynta: Yaraynta ku tiirsanaanta Reer Galbeedka iyo ka faa’iidaysiga taageerada Ruushka si loo hareer maro cunaqabataynta Mareykanka.
  2. Xoojinta awoodda milatari: Iskaashi milatari oo lala yeesho Ruushka, oo ay ku jirto iibsashada hub casri ah iyo isdhaafsiga tiknoolajiyada.
  3. Kordhinta saameynta gobolka: Ka faa’iidaysiga taageerada Ruushka ee arrimaha gobolka ee Bariga Dhexe, Bartamaha Aasiya, iyo dalalka ku xeeran.
  4. Horumarinta dhaqaalaha: Ballaarinta ganacsiga iyo soo jiidashada maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha.

Caqabadaha Jira

Iiraan iyo Ruushka waxay wajahaan caqabado waa weyn oo ka dhashay cunaqabataynta Reer Galbeedka, taasoo si weyn u saameysay xiriirka dhaqaalaha iyo ganacsiga ee labada dal.

Saxiixa heshiiskan wuxuu ku soo beegmayaa xilli Iiraan ay isku dayayso inay beddesho istaraatiijiyaddeeda siyaasadda dibadda, iyadoo fashilka heshiiskii Nukliyeerka iyo cunaqabataynta adag ee Mareykanka ay ku riixeen Tehran inay u jeesato iskaashi istiraatiiji ah oo ay la sameyso xulafada Bariga sida Ruushka iyo Shiinaha.

Si kastaba ha ahaatee, iskaashigan ma noqon doono mid ka maran caqabad, gaar ahaan iyadoo dhinacyo gudaha Iiraan ah ay muujinayaan walaac ku saabsan ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee Ruushka.

Xayiraadaha saaran Ruushka ee ka dhashay cunaqabataynta Reer Galbeedka iyo dhiirrigelinta ganacsiga ayaa go’aamin kara saamaynta iskaashigan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed