Iiraan oo war culus kasoo saartay booqashada wasiirka arrimaha dibedda Israa’iil ee Hargeysa

Dowladda Iiraan oo maanta Arbaca ah ka hadashay socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, uu ku tagay Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay booqashadaas wafdiga Israa’iil ee tagay Hargeysa.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Ismaaciil Baqaay, ayaa sida ay sheegtay wakaaladda wararka Tasnim, booqashadaas ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay arrintaas ka hortagto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa Talaadadii shalay gaaray magaalada Hargeysa, taas oo noqotay booqashadii ugu horreysay ee noocaas ah tan iyo markii Israa’iil ay dabayaaqadii Diseembar ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland, waxaana uu halkaas kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Ciro) oo uu wadahadallo ku saabsan xiriirka labada dhinac isla meel-dhigeen.

26-kii Diseembar, xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa si rasmi ah u shaacisay aqoonsiga Somaliland, tallaabadaas oo la kulantay diidmo xooggan oo ka timid Soomaaliya, dalal Carbeed iyo beesha caalamka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed