Iiraan oo wacad ku martay inays ii wadi doonto taageerada kooxaha Iska Caabinta Bariga Dhexe

Taliyaha guud ee ciidamada Iran ayaa sheegay in Israa’iil ay “gaartay xaalad cakiran” isla markaana Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay sii wadi doonto inay si joogto ah u taageerto iska caabinta si ku qotonta “sharci iyo cadaalad ah” oo ka soo horjeeda nidaamka midab-takoorka.

Sarreeye Gaas Abdolrahim Mousavi ayaa sheegay in maamulka Israel uusan lahayn wax qorshe ah oo ku aadan ka dib dhammaadka dagaalka Gaza.
“Waxa laga joogaa in ka badan hal sano tan iyo markii uu bilowday dagaalka xasuuqa ah ee Gaza, Israa’iiliyiintuna waxay gaadheen xaalad adag oo ay awoodi waayeen inay dejiyaan istaraatiijiyad dhamaystiran oo ku saabsan dagaalka Gaza ka dib markii ay wajahayaan caqabado cusub,” ayuu yiri Mousavi oo warbaahinta dalkiisa la hadlay.

“Hogaanka iska caabintu wali waa firfircoon yahay waana uu sii jiri doonaa waxaana uu dharbaaxo ba’an u geystay taliska Sahyuuniyada bilihii la soo dhaafay,” ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha guud ee ciidamada Iran.

Sarreeye Gaas Abdolrahim Mousavi ayaa carabka ku adkeeyay in iska caabintu ay tahay “Gashaanka iyo Waranka” ugu weyn ee lagaga hortagayo cadawga dulmiga iyo kibirka ku sifoobay, sida uu yiri.

Taliyaha guud ee ciidamada Iran ayaa tilmaamay hawlgalkii sanadkii hore ee Duufaanta Al-Aqsa oo ay hogaaminayeen kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas ee ka dhanka ah Israa’iil, in dhacdadaasi ay calaamad u tahay isbeddel muhiim ah, oo si wax ku ool ah u abuuray calaamad cad oo muujiinaysa sida dunidu ahayd iyo sida ay hadda tahay.

“Xitaa dadkii ka qabay shaliga waxay hadda yaqiibsadeen in nidaamka Sahyuuniyadda uusan ka jiri doonin adduunka 25-ka sano ee soo socda,” ayuu yiri Mousav.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed