Iiraan oo si cad ugu sheegtay Trump inay diyaar u tahay dagaal

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa maanta sheegay in heshiiskii hore ee nukliyeerka ee u dhaxeeya dalkiisa & reer Galbeedka aan la soo celin karin, isla markaana xaaladda nukliyeerka Iiran ay aad u horumartay. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uusan geli doonin wada-hadallo toos ah oo uu la yeesho Maraykanka.

Araqchi, oo hadalkiisa ay soo xigteen warbaahinta Iiraan, ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in dib loo soo celiyo heshiiskii 2015 – ee loo yaqaan Qorshaha Wadajirka ah ee Ficilka (JCPOA) – qaabkii uu u jiray iyo qoraalkiisii hore, maadaama aysan taasi dan u ahayn Iran, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu xusay in Iiran aysan hadda dib ugu laaban karin shuruudihii heshiiska nukliyeerka ee horey, inkastoo heshiiskaasi uu weli noqon karo saldhig iyo tusaale lagu sii wadi karo wada-hadallada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran ayaa sidoo kale sheegay in xeeladda iyo hab-maamulka Tehran ay tahay in wada-hadalladu ay noqdaan kuwo dadban marka ay la macaamilayso Washington. Wuxuuna intaasi ku daray in Iiraan aysan geli karin wada-hadallo toos ah oo ay la yeelato Maraykanka ilaa ay wax iska beddelaan xaaladaha hadda jira.
Araqchi wuxuu caddeeyay in mudnaanta Iiraan ay tahay “in ay waxtar-darrayn ku sameyso cunaqabateynta uu cadowgu ku hayo si uu u gaaro yoolkiisa”.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uu had iyo jeer ka fogaadanayo dagaal, uusana dooneyn, balse uu diyaar u yahay oo uusan ka baqeyn haddii la isku dayo.
Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa yimid maalmo kaddib markii Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, uu helay warqad uu u soo diray Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, taasoo la xiriirta heshiis cusub oo nukliyeerka ah.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in Trump uu Iran siiyay muddo labo bilood ah si ay ugala heshiiso qorshaha cusub ee nukliyeerka, isla markaana uu uga digay cawaaqibta ka dhalan karta haddii ay diiddo inay la xaajooto Maraykanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed