Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iran ayaa sheegtay inay u tixgalinayaan dilka la taliye sare oo ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan Major Jenraal Cabaas Nilfroshan oo lagu dilay Beirut mid sharci darro ah, isla mar ahaantaana Tehran shaki la’aan ay u adeegsan doonto dhammaan awoodaheeda si ay Israa’iil ugula xisaabtanto dambigaas.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa bayaan ay soo saartay maanta waxay ku sheegtay in Iiran ay uga aargudan doonto Israa’iil dilka kaaliyaha taliyaha guud ee ciidamada IRGC Major Jeneraal Cabaas Nilfroshan kaas oo lala dilay xoghayihii guud ee Xisbullah Xasan Nasrallah weerar ay Israa’iil ku qaadday goob shir uu ka socday 27-kiii bishii Sebtembar.
“Dilka taliyaha sare ee ciidamada Iiran waa fal sharci-darro ah iyo dambi aan la cafin karin, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiran waxay shaki la’aan kula xisaabtami doontaa dambigaas maamulka Sahyuuniyadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Meydka Jeneraal Cabaas ayaa laga soo qaaday dalka Lubnaan, waxaana loo soo qaaday dalka si munaasabado tacsi loogu sameeyo magaalooyinka Najaf iyo Karbala, waxaana aaskiisa loo qaadi doonaa maalinta berri ah magaalada Tehran, ka dibna baroordiiqda geeridiisa ayaa maalmaha Arbacada iyo Khamiista ka dhici doona magaalada Isfahaan oo lagu aasi doono.
Afar iyo toban maalmood ka dib markii lagu dilay weerar culus oo ay Israa’iil ku qaadday deegaanka dhaca duleedka koonfureed ee Beirut, halkaas oo uu kula kulmayay xoghayihii guud ee Xisbullah Xasan Nasrallah, Iiran waxay daaha ka qaaday inay heshay maydka taliye ku xigeenkii hawlgallada ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan Jen. Cabaas Nilfroshan.
HBN ONLINE TV

