Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa maanta sheegay in Mareykanka uu oggolaado inuu magdhow ka bixiyo khasaaraha Iran soo gaaray intii lagu jiray dagaalkii bishii Juun.
Araqchi ayaa ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska Financial Times. “Waa inay sharaxaan sababta ay noo soo weerareen xilli wadahadallo socdeen, waa in ay ballanqaadaan inaanay markale dhicin,” Araqchi, oo hogaaminaya wafdiga Iran ee wadahadallada nukliyeerka, ayaa sheegay in dalkiisu uu u baahan yahay tallaabooyin dhab ah oo lagu dhisayo kalsooni, kadib markii ergayga Mareykanka Steve Witkov uu soo jeediyay in dib loo bilaabo wadahadallada.
Wargeyska ayaa sheegay in Araqchi iyo Witkov ay is dhaafsadeen farriimo tan iyo intii dagaalku socday, Araqchina wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in xal faa’iido u leh labada dhinac laga gaaro khilaafka arrimaha nukliyeerka. Wuxuuna sidoo kale sheegay in xal kasta uu ku jiri karo magdhow lacageed isagoo aan bixin faahfaahin iyo dammaanad qaad ah in aan markale la weerari doonin inta wadahadalladu socdaan.
Bishan horraanteedii, Madaxweynaha Iran Massoud Bezshkian ayaa la kulmay dhaleecayn xooggan oo uga timid warbaahinta xagjirka ah ee Iran kadib markii uu taageeray dib u bilaabidda wadahadallada Mareykanka mar uu wareysi siiyay warbaahinta Mareykanka.
Madaxweyne Trump wuxuu hore u sheegay in uusan jirin degdeg wadahadallo cusub oo lala galo Iran isagoo taas sabab uga dhigay in “goobaha nukliyeerka Iiraan la burburiyay”, laakiin Mareykanka iyo dalalka Yurub waxay isla oggolaadeen in dhammaadka Agoosto uu noqdo waqtiga kama dambaysta ah ee heshiis la gaarayo.
HBN ONLINE TV