Iiraan oo Gudbisay Qaraar Mamnuucaya Weerarada Lagu Qaado Goobaha Nukliyeerka iyadoo Kaashaneysa Ruushka iyo Shiinaha

Iiraan ayaa shaacisay inay gudbisay qaraar ay ku soo bandhigtay Shirweynaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA) kaasi oo socda magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria oo ay ku taal xarunta hay’adda IAEA.

Iiraan waxey sheegtay iney qaraarkani iskaashi kala sameysay Ruushka, Shiinaha, Venezuela, Nicaragua iyo Belarus, si loo “mamnuuco dhammaan noocyada weerarrada iyo hanjabaadaha duulaan ee lagu qaado goobaha iyo xarumaha nukliyeerka ee hoos yimaada kormeerka Hay’adda.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa fariin uu maanta ku u qoray baraha bulshada wuxuu ku sheegay in qaraarka la soo jeediyay ujeeddadiisu tahay difaaca daahirsanaanta Heshiiska Ka Hortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka ee loo yaqaano (NPT).
“Dhammaan dowladuhu waxay leeyihiin xaq aan laga noqon karin oo ay ku horumarin karaan tamarta nukliyeerka ee ujeeddada nabadeed,” ayuu yiri Baghaei.

Afhayeenka Iiraan ayaa xusay in qaraarku uu dammaanad qaaday inuu xaqiijiyo xaqa dawladaha ee ah in la helo ilaalin wax ku ool ah oo ka dhan ah weerar kasta ama hanjabaad kasta oo lagu hayo xarumahooda nukliyeerka ee nabadeed, isla markaana wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ka waantoobaan weerarradaas.

Isagoo hadalkiisa sii wuxuu yiri “Waxaa waqtigii beesha caalamku ay tallaabo adag qaaddi lahayd si loo joojiyo sharci jebinta joogtada ah.”
Bishii Juun, dagaal socday 12 maalmood ayaa bilowday ka dib markii Israa’iil ay weerartay xarumo nukliyeer, goobo ciidan iyo rayid, isla markaana ay dishay saraakiil ciidan oo sar sare, oo ay ku jiraan taliyihii ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee magacooda loo soo gaabiyo IRGC, taliyihii ciidanka rasmiga ah iyo saynisyahanno dhanka nukliyeerka ah oo caan ahaa, halka Iiraan ay kaga jawaabtay duqeymo gantaallo ah oo burbur aan horay loo arag ka geystay magaalooyin badan oo Israa’iil ku yaal.

Dabayaaqadii bishii Agoosto, saddexda dal ee Yurub ee Faransiiska, Britain iyo Jarmalka ayaa bilaabay hannaan 30 maalmood gudahood lagu dhaqaajinayo habraaca dib u soo celinta cunaqabatayntii hore ee Qaramada Midoobay haddii la helo caddayn ah in Iiraan aysan u hoggaansamin heshiiska nukliyeerka ee ay la gashay waxa loogu yeero quwadaha waaweyn sanadkii 2015-kii.

Tehraan dhankeedu waxey markaasi ku hanjabay inay ka baxeyso Heshiiska Ka Hortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka ee loo yaqaan NPT haddii lagu soo rogo tallaabooyin cadowtinimo ah sida in dib cunaqabateyn loogu soo rogo mar kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed