Iiraan oo calaamadaysatay goobaha Israa’iil ee ay duqeyn doonto.

Iyadoo dunidu u dheg taagayso cabsida dagaal balaaran oo ka qarxa Bariga Dhexe ee ka dhalan kara weerarka Israa’iil ay sheegtay inay uga aargudan doonto duqeyntii Iiran ee 1-dii bishan ay ku qaaday saldhigyada ciidamada & goobaha kale ee xasaasiga ah ayaa xukuumada Tehran waxay shaaca ka qaaday war cusub oo xiisada uga sii daraya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Iiran Cabbaas Araqchi ayaa mar kale ku celceliyay in dalkiisu uu si adag uga jawaabi doono weerar kasta oo ka dhan ah xarumaha Nukliyeerka ee dalkiisa.

Cabbaas ayaa oo arrimahan maanta ka hadlay ayaa si cad u sheegay in Iiraan ay calaamadaysatay goobaha ay beegsan doonto haddii weerar uga yimaado Israa’iil.

“Weerar kasta oo lagu qaado Iiran waxa uu la macno yahay in laga gudbay khadadka cas,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Iiran Cabbaas Araqchi isaga oo ku nuux-nuuxsaday in dalkiisu aanu arrintaas ka noqon doonin jawaab la’aan.

Wakaalada wararka Iiraan ee Tasmin ayaa ka soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabbaas Araqchi in dalkiisa uusan weerarin xarumaha dhaqaalaha ama rayidka ee Israa’iil, laakiin uu bartilmaameedsaday kaliya xarumaha militariga.

Mr. Cabbaas ayaa hadalkiisa ku xusay digniin ku aadan in ay u muuqata haddii dagaalku uu ku faafo gobolka in ay suurtagal tahay in Mareykanka lagu soo jiido dagaalka.

Dhowr mas’uul oo Iiraaniyiin ah ayaa ku celceliyay toddobaadyadii la soo dhaafay in Tehran aysan dooneyn in ay dagaalka ku balaariso gobolka, balse ay diyaar u tahay haddii xaaladu faraha ka baxday, iyaga oo ka digaya jawaab ka adag tii hore markan haddii Israa’iil ay qaado wax gardaro ah.

Tel Aviv, ayaa iyaduna wacad ku martay inay jawaab dhimasho iyo lama filaan ah ka bixin doonto weerarka Iiran, halka Washington ay ku boorisay inay weerarrada Israa’iil ku koobnaadaan xarumaha millatari ee aanay weerarin xarumaha Iiran ee shidaalka iyo Nukliyeerka.

Hanjabaadahan wadajirka ah ayaa yimid ka dib markii Tehran ay kowdii Oktoobar ku garaacday in ka badan 180 gantaal Israa’iil, kuwaasi oo qaarkood ay ku habsadeen 3 saldhig oo ciidamada cirka Israa’iil leeyihiin, saldhigyadaasi oo Iiraan ku sheegtay in laga soo abaabulay dilkii madaxii xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismail Haniyeh, oo lagu dilay Tehran dabayaaqadii July & sidoo kale dilkii jeneraal ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran oo la socday hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah oo iyagana ku geeriyooday duqeyn ka dhacday duleedka koonfureed ee Beirut 27-kii September.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed