Iiraan ilaa intee ay ku qaadan kartaa inay samaysato hubka nukliyeerka?

Telefishinka Al Carabiya ayaa warbixin dheer oo uu ka diyaariyay gantaalihii habeennimadii Talaadada Iiraan ku weerary Israaiil waxaa lagu xusay in gantaallaadaasi farsamadooda wax laga badali karo oo si ay u qaadaan madaxyada hubka nukliyeerka, waxaana warbixinta lagu sheegay in laga yaabo in Iiran ay ugu badnaan 6 bilood u jirto inay 10 madax oo ah hubka nukliyeerka ay ka dhigto diyaar si ay ugu weerarto cadowgeeda.”

Maareeye ku xigeenkii hore ee wakaaladda tamarta nukliyeerka ee caalamiga ah, IAEA, Olli Heinonen, isla markaana kormeeray dadaallada hay’adda ee la socodka iyo xakameynta barnaamijka nukliyeerka ee Iran, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska the Times ee ka soo baxa magaalada London wuxuu ku sheegay in Iran ay si rasmi ah u sheegatay in barnaamijka nukliyeerka uu yahay mid loogu talagalay ujeeddooyin rayid oo kaliya, laakiin Israa’iil iyo waddamada reer galbeedka ayaa arrintan u arka mid horudhac u ah horumarinta hubka nukliyeerka.

Warbixin ay soo saartay bishii August ee sanadkan hay’adda IAEA, ayaa lagu sheegay in Iran ay kordhisay kaydka Yuraaniyaamka la tayeeyay 60%, lagana dhigay 165 Kg, taasoo 20 kiiloogaraam ka badan intii ay Qaramada Midoobay sheegtay bishii May ee la soo dhaafay, taasi ka macno ah in la dhisayo Nukliyeer.

Khubarada arrimahan ku xeesha dheer ayaa sheegay in ameynta bam nukliyeer uu u baahan yahay 90% tayeynta, sidaa darteed Ra’isalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa muddo dheer ka digay in Iran ay ku guuleysan karto dhowr bilood inay ku samaysato nukliyeer haddii ay rabto, waa sida hadalka uu u dhigaye.

Warbixinta lagu daabacay daabacaadda jariirrada Times, ayaa Heinonen waxaa uu kaga digay in saraakiisha Iran ay si cad u sheegeen inay beddeleen caqiidadooda difaaca qaab soo jeedinaya iyagoo leh “haa, waan sameyn karnaa taas haddii aynaan helin waxa aan dooneyno.” Taasi oo loo fasaritay in ay awood u leeyihiin sameysashada nukliyeerka.

Si kastaba ha ahaatee, Heinonen wuxuu sheegay in adeegsiga hubka nukliyeerka, ay Iiraaniyiintu qaadan doonaan “khatar aad u weyn” oo ay u badan tahay inay u isticmaali doonaan wax uu ugu yeeray “hab gorgortan iyo hanjabaad ah.”
“Madaxweynaha Mareykanka waa inuu ku fakaraa inay yar tahay suurtagalnimada isticmaalka hubkan waana inay u diyaar garoobaan taas,” ayuu yiri sarkaaalkaasi horey uga tirsanaan jiray hay’adda IAEA.

Ole Heinonen ayaa sidoo kale sheegay in qalabka centrifuges Iran ay inta badan ku aasan yihiin dhulka buuraleyda ah, iyadoo ilaalinayaan ciidamada iyo gantaalada difaaca hawada, isla markaana duqeynta agabkan oo lagu bacrimayo yuraaniyamka ee yaal xarumaha Natanz iyo Fordow in laga yaabo in weerar toos caqabad lagala kulmo ayna xaddidmio doonto natiijo laga gaaro.

Hamid Reza Azizi, oo ah khabiir reer Iran ah, isla markaana booqday xarunta cilmi-baarista ee Jarmalka ee SWP, ayaa wargeyska u sheegay in weerar Israa’iil ku qaado goobaha Nukliyeerka ee Iran “aanu waxyeelo wayn u gaysan karin horumarka barnaamijkan, wax ka badan hal xarun, isla markaana sida Ciraaq iyo Suuriya xarumahaasi ku kala firirsan yihiin meelo kala duwan oo dalka ah”.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed