Huuggamiyaha SSC Khaatumo oo faray Wasaarado qaar in musuq maasuq ay ka fogaadaan.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa soo kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha Maamulka SSC-Khaatumo, isagoona u kuurgalay habsami u socodka shaqada Wasaaradaha sida lagu warkaan bogga ku hadlay afka maamulkaasi.

Hoggaamiyaha ayaa warbixin ku saabsan horumarada ay sameynayaan labadan wasaradood ka dhagaystay Wasiiradda iyo hawlwadeenada Wasaaradaha, isaga oo ku bogaadiyey sida hufan ee shaqadu.

Hoggaamiyaha ayaa kula dardaarmay Wasiirada iyo hawlwadeenada Wasaaradaha in ay Masuuliyadda ay hayaan Ilaahay uga cabsadaan, sida oo kale sharciga iyo Axdiga SSC-Khaatumo ilaaliyaan, si daacadnimo ku jirto oo ka maran musuq iyo takrifal awoodeedna ugu adeegaan shacabka SSC-Khaatumo.

Maamulkan curdanka aha oo ah mid hoos taga dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa wada dadaalo hormarineed iyo xulufeysi oo la yeelaneyso dowladaha dariska ah sida huggaamiyahooda uu sheegay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed