Saraakiisha talisyada nabad sugidda qaranka iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa soo saaray amarro ay magalaada Beledweyne kaga mamnuuceen in lagu qaato qeybaha kala duwan ee hubka ee gudaha magaalada.
Tallaabadan ka soo baxday saraakiisha amniga magaalada Beledweyne ee ciidamada Xoogga dalka ayey ku sheegeen inay qeyb ka tahay dardar galinta iyo xoojinta amniga magaalada.
Amarkaan oo daba socda go’aan ay gaareen waxgaradka iyo masuuliyiinta ugu sareysa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ayaa imaanaya, iyada oo horaantii bishaan Janaayo kulamo ka dhacay magaalada lagu seera gooyey in gacan ku heynta ammaanka dowladda dhexe lagu wareejiyo, taasi oo dhaqan gashay.
Sidoo kale laamaha amaanka milatariga Soomaaliya qabtay gaari hub ah ayaa sheegay inuu tahriibinayay kooxda Alshabaab.
HBN ONLINE TV