Maraykanka & UK oo war caro leh ka soo saaray xiisadda hubeysan ee Banaadir

Dowladaha Mareykanka iyo UK, oo kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay dagaalka saacadihii la soo dhaafay dhexmaray ciidamada dowladda iyo mucaaradka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu baaqay in la joojiyo rabshadaha, isla markaana labada dhinac ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka.
“Rabshadaha ka socda Muqdisho waa kuwo masuuliyad-darro ah. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee dhinac kasta jooga waxaa saaran waajibaad ah inay ilaaliyaan xasilloonida dalka isla markaana khilaafaadka ku xalliyaan si nabad ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Sidoo kale, UK ayaa dhankeeda sheegtay inaan la aqbali karin fal kasta oo wax u dhimaya amniga Muqdisho, waxayna tiri: “Rabshaduhu waa wax aan la aqbali karin, waxaana ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana ay galaan wada-hadal loo dhan yahay oo wax dhisaya si xiisadaha jira loogu xalliyo si nabad ah.”

Mareykanka iyo UK ayaa dhawaan garwadeen ka ahaa wada-hadalladii ugu dambeeyey ee ay yeesheen madaxda dowladda iyo xubnaha mucaaradka, kuwaas oo ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed