Degmada Howlwadaag ayaa ku guuleysatay koobka tartanka cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir, kadib markii ay ciyaartii kama dambaysta ahayd 2–1 kaga adkaatay kooxda Warsheekh.
Ciyaarta kama dambeysta aheyd oo lagu qabtay Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa waxaa daawaday kumanaan qof oo taageerayaal ah iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo garoonku uu ahaa mid si weyn u buuxsamay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u soo xiray tartanka, isla markaana koobka gudoonsiiyay kooxda degmada Howlwadaag, isagoo amaanay ciyaartoyda iyo bulshada sida ay u muujiyeen midnimo iyo xamaasad nabadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka ugu baaqay in ay sida ay isugu soo baxeen ciyaartan oo kale ugana qeyb qaataan doorashada soo socota, si nabad iyo wadajir ah, isagoo tilmaamay in tartanka degmooyinku uu muhiim u yahay isdhexgalka bulshada iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

