Howlgalo ka dhan Alshabaab oo ka ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal kala duwan ka fuliyey sacadihii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha ayaa sheegay inay guul kaga gaareen, ka dib markii kooxda Alshabaab ka saareen goobo badan.

Howlgalka oo ay fuliyeen Ururka 164-aad, guutada 7-aad ee qeybta 12-ka Abriil ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya iyo ciidanka Booliiska degmada Wanlaweyn ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada kala ah Sharey, Tabeellaha, Warmaxan, Tisxiile iyo Warta-Baarlamaanka oo dhamaantood ku yaala wadada isku xirta degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay inay sii laba jibaari doonaan sida ay hadalk u dhigeen howlgallada ka dhanka ah Alshabaab si kooxda looga saaro gobolka oo ay ku xooggan tahay.

Saraakiishu ma sheegin inta howlgalka uu socday khasaaraha ka dhashay iyo inay goobo ka qabsadeen kooxda, marka laga reebo in deegaannada ay howlgalka ka sameeyeen ay Alshabaab si dhuumaaleysi ah ku tagaan.

Howlagalkan ayaa ku soo aadaya, xili hay’addaha amniga dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada deegaanka ay dagaal xooggan ay ka bilaabeen deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo todobaadkan uu ay guulo ka sheegatay dowladda inay hormar ka gaartay dagaalka socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed