Howlgal gaar oo Ciidamada Dowladda ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud ayaa lagu sheegay in ay fashiliyey Miinooyin Alshabaab ku aaseen wadada isku xirta deegaanada Mesagawaay iyo Baaraag Sheekh Caamir ee gobolkaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kooxda Alshabaab ay doonayeen in miinooyinkaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku safra wadadaas, balse Ciidanka Qaranka ay ka hortegay, iyaga oo soo bandhigay miinooyinkii ay ka soo saareen wadada xiriirisa Mesagawaay iyo tuulada Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.
Waxaa asbuucyadii la soo dhaafay ay CXD howlgalo kala duwan ka wadeen deegaano iyo degmooyin dhaca Koofurta iyo bartamaha dalka, iyaga oo sheegay in gacanta ay ku dhigeen goobo istiraatiiji ahaa oo muddo ay Kooxda Alshabaab maamuleysay.
HBN ONLINE TV