Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab kawada deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.
Howlgalladaan ayaa ka socda deegaannada u dhaxeeya Magaalada Marka ilaa Nambar Konton sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo u xog warramay.
Ciidamada waxaa howlgalkooda qayb ka ah miina baaris ay kawadaan waddada dheer ee xiriirisa Nambar Konton iyo Magaalada Marka xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
Maalmihii u dambeeyay waxaa Deegaanka Nambar Konton ka socday kulamo looga hadlay Amniga Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
HBN ONLINE TV

