Dowladda Soomaaliya ayaa guul ka sheegatay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanno hoostaga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya ciidanka deegaanka ay guluf culus ku qaadeen, kaasi oo dhaliyey khasaare dhimasho.
Howlgalkan ayaa la tilmaamay in dilay 3 ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab, iyadoo sidoo kale laga soo furtay hub. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dagaalka joogtada ah ee lagula jiro kooxda ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka.
Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd sida ay dowladda Soomaaliya tilmaantay mid lagu xaqiijiyo amniga iyo badbaadada dadka rayidka ah, loogana hortago falalka ay kooxdu ka geysanayaan gobollada dhexe.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in la sii wadi doono howlgallada midkaan la midka ah, ilaa laga xaqiijinayo in kooxda laga saaro deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.
Dhanka kale, Hay’adda Sirdoonka NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka fulisay deegaanka Cumar-Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose in lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab, iyadoo la burburiyay fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen.
Howlgalkan oo ay fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee NISA ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid looga hortagayey khatarta ay kooxda. Dilka kooxdaani ayaa lagu sifeeyey mid muhiim ah howlgallada socda ee lagula jiro Alshabaab.
HBN ONLINE TV