Howlgallo Farisiimo Alshabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Howlgal lagu bartilmaameedsaday goobo lagu tuhunsanaa xubno ka mid ah kooxda Alshabaab ayaa Ciidamada Xoogga Dalka waxay fuliyeen deegaanno dhowr ah oo hoos yimaada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada howlgalkan fuliyey ee Ururka 64-aad Guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April oo garab ka helaya ciidanka Booliiska degmada, waxaana uu si gaar ah howlgalka looga sameeyay inta u dhaxeysa deegaannada Leego iyo Yaaqbari Wayne ee gobolka Shabeellada Hoose.

Inta uu howlgalka uu socday Ciidamada ayaa la sheegay inay ku burburiyeen saldhigyo ay Alshabaab u adeegsan jireen qorsheynta weerarada.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in laga hortagay weerarro la qorsheynayay, isla markaana lagu raad joogo xubno ka tirsan Alshabaab.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ayaa kordhiyay howlgallada ay uga hortagayaan weerarada Alshabaab oo dooneysa inay difaac u gasho goobaheeda la beegsanayo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed