Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey weerar dhowr jiho ah oo lagu qaaday goobo ay ku sugnaayeen xubno lagu sifeeyey “firxad” Alshabaab ah ayaa maanta ka dhacay deegaanno duleedka ka ah Ceel-Hareeri oo maalmihii la soo dhaafay halkaaasi uu dagaal la isku riiqmay uu ka socday.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saaka aroortii hore fuliyay weerar la tilmaamay inuu ahaa mid qorshaysan oo culus ayaa lagu beegsaday Alshabaab ka baxsaday sida hadalka loo dhigay dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale, Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay duleedyada deegaanada Garas-magan iyo Ceelhareeri, halkaas oo Alshabaab ay isku uruursanayeen. “Ciidamada huwanta ah ayaa si guul leh uga saaray goobihii ay ku sugnaayeen, waxaana lagu jebiyay isku daygoodii dib-u-cabsi gelinta shacabka iyo isku abaabulkooda” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Warbaahinta Dowladda.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalladan ayaa Warbaahinta u sheegay in kooxda lagu gaarsiiyay khasaare culus oo naf iyo maalba leh, isla markaana laga saaray godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen, iyagoo tilmaamay in weerarkan uu qeyb ka yahay sii xoojinta gulufka dagaalka ee lagu ciribtirayo Alshabaab.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa balanqaaday inay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka Hiiraan, iyadoo looga gol leeyahay in laga ciribtiro kooxda meel kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuuntaan.
HBN ONLINE TV