Howlgalka NISA fulisay oo lagu dilay in ka badan 10 maleeshiyaad Alshabaab ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah fuliyeen howlgal qorshaysan oo ka dhacay isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, kaasi oo khasaare culus lagu gaariyey sida hadalka loo dhigay kooxda Alshabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid si gaar ah loogu bartilmaameedsaday xubno gaar ah ayaa la tilmaamay lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab, kuwaas oo la xaqiijiyay inay ahaayeen firxadka kooxo horay loogu beegsaday isla deegaankan.

Sidoo kale, Howlgalka oo dhacay laba mar oo is xigay ayaa NISA ku sheegtay in lagu burburiyay xarun ay maleeshiyaadku ku abaabulayeen sida la tilmaamay falal argagixiso, kuna qorsheynayeen “dhagaro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed”.

Intii uu socday howlgalka waxaa sidoo kale la burburiyay dhammaan hubkii iyo agabkii militari ee ay wateen kooxdan, sida lagu carrababay war saxaafadedak NISA.

Hay’adda Sirdoonka NISA waxay mar kale celisay inay adkaynayso go’aankeeda ku aaddan in la ciribtiro dhammaan waxa loogu yeero cadowga ku howlan khalkhalgelinta amniga iyo dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed