Howlgal lagu laayey xubno Alshabaab ah oo ka dhacay Bakool

Ciidamada Xoogga ee qaybta 60-aad ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed,  si gaar ah howgalka ayaa uga dhacay deegaanka Abag-Beeddey oo 20-km dhanka Bari kaga beegan magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Taliyaha sahanka ee guutada 9-aad ee ciidamada xoogga, Dhamme Aadan Gaabow Isaaq oo faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen 9 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa soo bandhigay hub ay ku soo qabsadeen howlgalka oo isugu jira qoryaha Ak47 ah iyo hal BKM.

Howlgalka ayaa ku soo aadaya xilli ay ciidamada xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo ka wadeen gobolada dalka, dhowaanna ay guulo ka sheegteen dagaalka dhacay deegaanka Buula-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed